Hababka uu ku gudbo jacaylku
labo hab ayuun buu jacaylku ku gudbi karaa, aragtida kowaad iyo aragtida labaad. kuwaas oo koobsanaya siyaabaha qofka lagu jeclaanayo oo dhan. aynu mid walba ugu dhaadhacno,si aynu u fahanno.
Aragtida 1aad:
sida cinwaanku ku suntanba waa jacayl aan kugu simin in aad qofka sidaa uga sii bogato waa qofka la jeclaanayee, jacaylkan oo isla markiiba waabayda kugu saydha, isla waqtiga aad qofka isha qac ku siiso. sida erayadan hoos ku qoran ee xigmadeysani muujinayaan:
- "jacaylku waa dabayl
- duufaan waddoo
- Dibnaha iyo saaran deymada"
Dadka qaarna jacaylkan aragtida 1aad, waxay ku macneeyaan inuu yahay jacayl aan la filan karin, kaasoo kugu bariisada markuu doono.
- "Ballan maaha caashaqu
- iyo bandhig laysugu baaqoo
- waa wax ishaa biligteeda
- Boggaaga ku beerma".
Sida la ogyahay jacaylkani wuxuu ku gudbi karaa miridho gudahood, isla ilbidhiqsiyana wuxuu hoy ka dhigan karaa wadnaha, taas oo aad markiiba dareemi kareyso qandhadii jacaylka.
- Qod baad tahay meel qabow ka baxoo
- Qajeel u bixii dhammaan qariyoo
- Qacdii aan ku arkaan is qoonsadayoo
- Bal qabso waanban kuu qandheys nahay.
kaas oo durbadiiba qofka kuu saaraya carfi iyo udgoon ku caashaq gelinaya:
- Isha markaad la cuskatuu
- cillaan iyo kuu saara cosoboo
- Dareen kugu cartana iyo
- kugu beeraa cishqi
jacaylka aragtida kowaad kugu gala wuxuu noqdaa mid ku jaan go'an noloshaada oo kaala jihaada in aad nafta ka jarto qofkan ay jamatey laabtu, xataa calafku ha kaa jiitee.
Abwaan maxamuud nuur fadal waatii gabadh uu jeclaa la guursaday, kaddibna ay carruuro yeelatay, inkasto ay marwo noqotay, ubadna ay dhashay jacaylkii uu gabadhaa u qabay kama uu tagin, waa kii ku gabyay:
- inkastoo dhalaan yeelatiyo,
- Ubad dhawaaqaaya
- Dhimashadu ha joogtee sikle,
- waan dhursugayaaye,
- Dhufsataye qalbiga maanigaa,
- Dhudi ka reebaaya.
Abwaan ismaaciil cagaf isna waatii inan uu jeclaa loo soo sheegay inay dhoofayso, diyaaradiina ay waqtigaa loo sheegay duulayso. Hallkii uu joogay ayuu kasoo dhaqaaqay. nasiib darro muu soo gaadhin oo iyadoo markaas uun cirka gashay ayuu soo istaagay goobtii, waa kii dabadeed lahaa isagoo eedda saaraya dhaqsaha diyaaraddu u kacday:
- Bilaa la raraa baabuurrada oo
- Bariidada waad kaga bogataaye
- Biligtaa qudhaa belaayo ah.
sida la sheegay beri dambe ayuu nin ay ismaaciil-cagaf saaxiib ahaayeen gabdhii oo reer leh la kulmay, waxayna weydiisay:" saaxiibkaa heesihii caashaqa ahaa ee uu tirin jiray ma iska daayey?". ismaaciil markii hadalkasi soo gaadhay wuu damqaday, waxaana kusoo kacdoontay doogtii jacaylka, wuxuuna ugu cataabay:
- Adoo gabaniyo adoo guri lehba
- Gabowgaagu way gudboon-yiin
Aragtida 2aad:
Habkan aynu si fiican u kala hufno , una kala haadinno si ay ugu sahlanaato fahankaaga. waxaa la yidhaahdaa jacaylka aragtida 2aad ku gudbaa afarta nooc ee qofka loo jeclaado ayuu ku taxaluqaa, afartaa oo kala ah: Diinta, Qoyska, Maalka iyo Quruxda. inkastoo quruxda kaga saamayn nbadan yahay inta kale xagga jacaylka aragtida 1aad kugu asiibana loo aaneeyo quruxda.
waa kan nin abwaan ah oo sharxaya afartan hab ee qofka loo xisho isgoo wiil doob ah ugu hogga tusaaleynaya siduu usoo xulan lahaa ruuxuu lawadaagi lahaa nolosha.
- " midbaa quruxda loo guursadaa laguna goobtaaye
- midna magaca qoyskay gashay guur ku mudataaye
- midna gunnudda ay haysataa kaa galaa damace
- midna waxaa gayaankaa ka dhiga garsho diineede, Geellow si gaar ah u ogow tan ugu gadaaleysa"
jacaylka noocaan ah waa hab xanaf tiran oo ku siiya waqti aad kaga bogati qofka. waxa aad ka bogan karaysaa qofka dabcigiisa, kartidiisa iyo akhlaaqdiisa markaad si hufan u barato, iaydoo marka barashada laga hadlayana loo xeeriyo saddexdan:
" jid ma la martay
jidiin mala cuntay
jabad ma la gashay"
Abwaan hadraawi mar uu barashada jacaylka ka hadlayey isagoo saddexdan ku salaynaya waa kii lahaa:
- u malay jacayl
- Weli jaar ma noqoteen
- jid ma wada lugayseen
- ma la cuntay jidiin weli
- jiidhkaad la dhalatiyo
- ma kaa jaray dadkiinii
- Gooni joog ma kaa dhigay".
0 Comments