google-site-verification=nHI_GkwrtkZU14NJemTmhP9W-ZHQd6tPAPcwYPkJMUQ WAX AKHRISKA

Latest Post

6/recent/ticker-posts

WAX AKHRISKA

                         wax akhriska

wax akhriska

waa maxay wax akhris?

waa shaqo ay qabato ishu si ay ugu raaxaysto nafteeda.

ula jeedka nafteedu waxaa weeye, ishu iyadu kali ahaan waxba ma aragto ee nafta ayaa isha wax ku aragta, sida neftuba dhegta ay wax ugu maqasho sankana wax ugu uriso, dhamaantood kali ahaan waxba ma qabtaan.

Qofkastaa waxa uu leeyahay hobi, dadka qaar waxa ay leeyihiin hobi orod, xaga kuwa kalena ay leeyihiin hobi wax akhris, laakiin su'aashu waxaa weeye;

  • wax akhrisku ma noqdaa hobi?
illaahey weedhii ugu horeysay ee uu soo dajiyey waxay ahayd {اقر ا} wax akhri, laakiin illaahey cid gaara muu sheegin oo hobi ka dhigatey ama dhaqan, sidaa awgeed wax akhriska laguma tilmaami karo waa hobigayga, sababtu waxay tahay qof kasta waa laga rabaa in uu la yimaado faridda  illaahey uu ina faray.
waxaa lamida ah taas qof yidhi hobigaygu waa in aan maalin kasta cabo biyi!!! qofkasta waxaa laga rabaa inuu wax akhriyo, toddobo cisho  maaha, noloshaada oo dhan.

Dadku waxa ay ku kala hormaraan hadba inta uu le'eg yahay wax akhriskoodu, illaa weedh faaftay ay tidhi "(umadda akhriska badan horumarkeedaa badan").

waxaa lawydiiyey foolter; ayaa hoggaanka u qaban kara dadka? waxa uu ku jawaabay { kuwa garta sida wax loo akhriyo} cabdullahi binu mubaarak ayaa waxaa lawaydiiyey maxaa noola fadhiisan waydaa marka salaada laga baxo? waxa uu ugu jawaabay; waxa aan u tagaa oo aan la sheekeystaa asxaabtii iyo taabiciintii, sidee ula sheekeystaa ayey ku yidhaahdeen? waxa aan akhristaa kutubtooda ayuu ugu jawaabay.

Akhrisku waa ogaanshaha aqoon aanad ku hesheen dhagta ama si kale aynu u dhigno waa la barbar dhiga isha aynu lala barbar dhigayo dhegta, waa dood furan oo horeba loo furay, dhegta iyo isha keebaa weyn? anigu ku o dhan maayo midkood ayaa weyn, ee markasta waxaa weyn tii isticmaalkeedu ka bato ta kale.

Dadka indhaha waayey ama u dhalan, waxa ay wax ku helaan dhagaha , xaga dadka dhagoolayaashaa ahina ay ku helaan isha amaa kuwa labadaba qabaa waxa ay da'a doodu ku kala xidhan tahay hadba tay isticmaalkooda badiyaan.

Wax akhrisku waa cuntada maskaxdu ay quudato sida jidhkuba cunto u quuto, markasta oo aad isku daydid quudinta maskaxda waxa kugu biiraya da' ka wayn taadii  aad isku taqaanay.

waa saaxiibkaa aan ku khiyaamayn ama ku xumaynayn nin la yidhaa( bahluul) oo lagu tiriyo dadka maskaxda ka xanuunsanaya hadana aqliga leh, ayaa maalin waxaa lagu soo maray isagoo xabaalaha dul fadhiya, waxa la weydiiyey bahluulow maxaad xaabaalaha kadul qabanaysaa? waa dad aan i xamanaynin ayuu ugu jawaabay, buuggtuna waa dadkaa dhintay ee aqoonta aad ka qaadanayso iyaga oon ku xaman caayina sir aan kaa sheegaynin. 

                     maxaa kaa hortaagan wax akhriska
waxaa jira sababo badan oo ka hortaagan qofka wax akhriska, waxaa kamid ah:
  • Caajis deg-dega oo ku yimaada marka uu qofku wax akhrinayo.
  • Bilawga oo ka khaldama qofka
  • Aflaamta ama musalsalaadka iyo wixii la mid ah.
  • Macluumaadka aad akhrinayso oo aanad xasuusan.
sheikh aqoonyahan ah iyo ardeygiisii ayey sheeko dhex martay.
Ardeygii; sheikh wax badan ayaan akhriyey mana xasuusto?
shekhii:  timirtan cun, waxana uu u fidiyey ardeygii xabad timir ah, waana uu cunay ardaygii.
sheikhii: wax ma kusoo kor dhisay jirkaagii?
Ardeygii: maya
sheikhii: laakiin jidhkaaga ayey dhex gashey timirtii waxayna u qaybsan tay qaybo kala duwan waana isticmaalay jidhkaagu.
soo dhawey: qofka aan ku dhalan cayilka ee cayilaa ma is ogaadaa maalinkasta inta kusoo biireysa?
maya weeye jawaabtu , sidaas oo kale weeyi wax akhrisku.

Post a Comment

0 Comments