google-site-verification=nHI_GkwrtkZU14NJemTmhP9W-ZHQd6tPAPcwYPkJMUQ kooshin said

Latest Post

6/recent/ticker-posts

                            SI FUDUD KU BARO XIRFAD CUSUB


Barashada xirfad cusub waxay qaadataa waqti,dulqaad iyo u dhabar-adayg, si kastaba ha noqotee markaad isku daydo kuna dhiirato inaad bilowdo inaad barato wax cusub waxaad kor u qaadaysaa fursadahaaga kordhinta dakhligaaga iyo inaad hesho shaqooyin kala duwan ood ka xulan kartid had ba tii kugu banaan. Sidoo-kale markasta ood barato xirfad cusub waxaa kordhaya garaad kaaga adiga oo ay kuu fududaanayso inaad barato xirfadaha kale sidoo kalena u indho furnaato maanta aduunka waxa ka shaqaynaya sidoo kale fursadaha mustaqbalka.


SIDAAD XIRFAD CUSUB KU BARAN KARTAA SI SAHLAN.

1. SAMAYSO JADWAL WAXBARASHO: Maadaama aad adigu xirfadan is barayso oonay jirin cid kugu dabagalaysaa iyo cid ku odhanaysa soo xaadir waa inaad adigu isu samaysaa jadwal waxbarasho oo maalinti aad saacado go’an waxbarata.

2.OGOW CAQABADAHA KU HAYSTA: Barashada naftaada iyo caqabadaha shaqsiyan kuu haysta inaad ogaatid waxay kaa caawinaysaa xal degdeg ah inaad heshid, aqoonso meesha aad ku xun tahay sida hadii uu fahan kaagu liito ama ay waqti kugu qaadanayso inaad wax fahanto iyo  hadii aanad waxba si joogto ah u wadi karin.

Hadii aad fahanto dhibtaada waxaad si fudud u helaysaa xalkeeda.

3. QAYBO YAR-YAR UKALA JAR WAXAAD BARANAYSO: Hadii aad u kala jar-jarto qaybo yar-yar waxa aad baranayso waxa kuu fudu’daanaysa inaad si fudud ku dhamaysid kuna fahantid adiga oo aan caajisin sidoo-kalena aad practical fiican samaysay.

4.SAMAYSO HADAF-DHEER IYO MID GAABAN BA:Hadii aad hadaf ka leedahay waxa aad baranaysid hubaal waxaa ah inaad u baranaysid sida ugu fiican, hadafkaaguna wuxuu kuu noqonaya waxa kaliya ee ku dhiiri galiya; Tusaale ahaan hadii aad xirfadan ubaranayso inaad kaga baxdid lacag la’aanta, markasta ood caajistid waxaad xasusanaysaa inaad u baahan tahay noloshan faqriga ah inaad ka baxdid, sidoo kale hadaad u baahan tahay inaad xirfadan ku shaqo tagtid sidaa si lamid ah waxay kuu noqonaysa dhiiri galin.

samaysashada hadaf waxad baranayso waxay kaa caawinaysaa inaad xirfada aad rabto ku barato si fudud.

5.U SAMIR NAFTAADA: Hadii aad waxba fahmi waydo oo ay kugu ad’kaadaan waxa aad baranayso, hadii ay naftaadu caajisto iyo hadii aad kujirto maalmo adag oo aanay naftaadu ogolayn inay waxbarato ama wax qabato u samir oo haka tagin waxaas aad baranayso.

is maaweeli,naftaada shidaal sii, is dhiirigali ugana sheeke hadaf-kaaga; waxa laga yaaba naftaadu waxyaabaha aad kula sheekaysanayso markay maqasho inay kor u kacdo oo wixii aad fahmi waysay aad xal u raadiso iyo meelo aad si fudud uga fahanto.

6.WAXBADAN QOR WAXBADANA DHAGAYSO:Labadaas wax-qabad waxay kaa caawinayaan inaad waxad fahantay aad waqti badan xasuusnaato iyo inay maskaxdaadu si fiican u shaqayso oo aad waxbadan sii fahanto.

7. IS OGOW HALKA AAD TAAGAN TAHAY: Mudo marka aad joogtaba is cabir maxaad baratay se maxaa kaa dhiman taasna waxay kuu fudaydinaysaa in aanad noqon qof bilaa jiho ah oo meelu u socdaba aan garanayn .

8. RAADI WARBIXINO: Markastoo aad ka dhex baxdo meesha aad wax ka dhiganayso oo aad meel kale xog ka raadiso waa markasta oo aad wixii si qoto dheer u fahanto, taaso kaa dhigaysa qof dhinacyo badan wax ka fahma oo waxbadan ka og wixii uu dhiganayey, tusaale ahaan shay haduu leeyahay dhawr shaqo ama dhawr macne oo aad adigu kaliya u taqaano inu hal macne leeyahay ama uu hal shaqo qabto waxa ka faaido badan adoo wada yaqaana shaygaas waxkasta oo kusaabsan, waayo majirto waxka ceeb xun shay aad sheeganayso inaad taqaano oo hadana aad garanwayday deedna lagu dhaho intaad garanaysay way dhaaftay….Saas darteed waxaad baranayso si dhamaystiran oo qoto dheer u baro. 

9. WAQTIGA KAMA DANBAYSTA AH:  U samey naftaada waqti ay ku xisaab tanto inay xirfadaas dhamayso sidaa 6bilood, 3 bilood ama sanad ba, taasina waxay kaa caawinaysaa inaanad isdhigan oo aad ku da’daasho dhamaystirka xirfadaas adoo waqtiga kale uga faaidaysanaya ama inaa ku shaqaysatid xirfadaas ama xirfado kale sii baratid.

10. JOOJI BEEN ISUGU SHEEKAYNTA: Hawgu sheekayn naftaada inaad leedahay awood ah inaad week wax ku dhamayn kartid, waxkastaaba waqti bay ubaahan yihiin in lagu fahmo oo lagu dhamaystiro sidoo kale beentaasi waxay kuu horseedi kartaa inaad is dhigato oo aad tiraahdo marban insha allah week kaga saaraya course kaas. 

waa khiyaamo ay naftaadu doonayso inaanad waliga waxan baran, waayo sad saas u tahay sanadka danbe waxaad arki doonta adigoo aan midh baran oo wali leh week ban ku dhamayn mar markaan usoo jeesto.

11. IS AAMIN: Aaminida naftaada inay waxan baran karto samayn karto dhamaystiri kartona waxay kaa caawinaysa inaad waxkastood donayso barato mudo kooban.

Hadii aad doonayso inay maskaxdaadu balaadhato, hab fikirkaagu koro iskuday inaad xirfadaha aad baranayso kordhiso, waxaad arki doonta mudo kooban adoo isbadalay maskax ahaan ah na qof wax isbaray oo naftiisa ka adkaaday sidoo kale abuuri kara shay kasta oo u niyada ku qabto oo uu ka samayn karo magac iyo hantiba 

HORUMARINTA XIRFAD AAD BARATAY.

Inaad horumariso xirfad aad baratay kama maaranto inaad gacanta ku hayso oo aad mudo siiso inaad ku celceliso si aanay waliga madaxaaga uga bixin.

horumarinta xirfadaha waxa ka qayb qaata ;

Akhriska joogtada ah ee ku saabsan xirfadaas iyo waxyabaha u dhaw dhaw.

Gacan ka qabashada xirfadaas.

Aaminida inaad waxan qaban karto.

 GUNTI IYO GABAGABADII;

Barashada xirfad ma adka se waxay u baahan tahay joogteyn iyo go’aan qaadasho, waxaand ogaata raga aduunka maanta ugu lacagta badan way isbareen xirfadaha ay maanta billions ka lacag ka faaideen adiguna saas iyo si ka fiicanba waad u baran kartaaaa xirfadkastood jeceshay.


Mahadsanid akhriste. 

Post a Comment

0 Comments