Qaybtii 4aad


Maria waxay safar raaxo leh ku gaartay Florida waxay qabsatay Taxi uu wado wiil magaalada aad ukala yaqaan, xariif ah, reer magaalnimo iyo fur-furnaan u dheertahay. Waxay ka codsatay in uu geeyo Hotel xeebta saaran qaali ah dadka caanka ah ay ku dagaan aadna u qalabaysan. Wiilkii Texi laha ahaa wuxuu geeyay Hotel xeebta saaran aadna u qurxoon waxay dagtay dabakha 8Aad qol kusii jeeda xeebta oo ay arkayso dadka dalxiisayaasha ah ee ku cayaaraya xeebta ciida macaan leh. Lagama sheekeyn karo jawigaas quruxda badan ee goobta ka muuqda.
Wiilkii Taxi-ga waxay kala hartay Mobile-kiisa gacanta waxayna ka codsatay in uu ka caawiyo waxay ka rabto Magaalada maadaama aysan kala aqoon. Wuu ka aqbalay wuxuuna uu u'arkay qof u baahan caawinaad joogta ah. Maria oo aad uga heshay jawiga Magaalada kuna faraxsan jawiga qurxoon oo ay saacadaha kooban ku sugan tahay, waxay iska qaaday sawir Selfie ah iyadoo fadhida balakoonka qolkeeda timuhu u furan yihiin wakhtiguna yahay casar liiq qoraxdu godka kusii aruurayso iyadoo ku qortay sawirka dushiisa:- Asxaabteyda sharafta badan waxaan idinka soo salaamayaa xeebta bilicda wanaagsan ee Florida. Waan ku faraxsanahay caawa inaan ku caweyn doono Hotel saaran Xeebta.!
Maria markay nasatay ayey wacday wiilkii Taxi laha ahaa oo ku tiri:- John waxaan kaa codsan inaad ii timaado waxaan rabaa inaad igeyso Mall aan kasoo adeegto waxaan u baahnahay dharka laga xirto dhaxanta maadaama wadanku qabaw yahay, iyo sidoo kale shopping. John ayaa yiri saacad ka dib ayaan kusoo gaarin ee is diyaari. John uma uusan dhalan wadanka America, ee waa soogalooti u dhashay Wadanka Mexico oo daris dhaw la ah America. Waase akhyaar mudo joogay America haystana dhalasho American ah. Saacad ka dib john wuxuu soo gaaray Hotel-kii Maria wuxuuna u sheegay in uu soo gaaray Hotelka uuna ku sugayo Reception-ka Hotel-ka.
Maria oo ku laafyooneysa gaarigeedii curyaanka ee casriga ahaa ayaa soo dagtay waxayna is raaceen John waxay tageen Mall weyn oo ku yaal Down Town-ka Magaalada way kasoo adeegatay waxayna tiri Mr John caawa anigaad ii casuman tahay waxaad igeysaa makhaaxi cuno macaan oo ay ku caweeyaan dadka dunida caanka ka ah sida:- Sports-ka, Actorada, Fanaaniinta, Taajiriinta iwm. Waxay hadalkii usii raacisay haka walwalin wakhtiga kaa lumaya anaa kusiinaya 7bari ee soo socota lacagtaad ka heli laheyd shaqadaada Texi-ga.!! John oo u arkay muuqaalka Maria gabar curyaan ah oo aan war uheyn in ay tahay gabar caan ah taajiradna ah ayaa si tartiib ah u yiri waa hagaag waana ku geynayaa meelkasta oo aad rabto ee kusoo dhawoow Florida waa Gobol caan ku ah dalxiis iyo jawi dagan oo raaxo leh.
John iyo Maria waxay tageen makhaaxi ay joogaan dad caan ah oo ay intooda badan taqaan wajiyadooda ayna asxaab ka yihiin Social Media-ha. Maria waa caan waxaana ku xiran malaayiin dad ah balse sirteeda nolosha cid ka war heysa ma jiraan. John oo aan waligiis makhaaxidaan imaan qorshahana aysan ugu jirin in uu yimaado maadaama halka habeen lacagta lagu casheeyo ay tahay labo bilood lacagta uu ka qabto Taxi giisa, ayaa si dagan u yiri Maria waxaan ku faraxsanahay inaan noqdo macmiil ku bartay waxaan kaa codsan inaan markasta kugu caawiyo waxaad uga baahan tahay Florida iyo guud ahaan Wadanka America.
Markii laga casheeyay makhaaxi uu ka daaran yahay Music Romantic ah oo aan qaylo iyo buuq laheyn dadkuna u fadhiyaan labo-labo, koox-koox, hal-hal udgoonka meeshaas kasoo carfaya uu hindhiso ku waalanayo qofkii sanbuur qaba. Ayay Maria ka dalbatay wiilkii dalabka cuntada keenay in uu keeno biilka si ay u bixo lacagta, waxaa la keenay biilkii markii ay bixisay lacagtii ayaa baaqi usoo haray lacag gaaraysa $90 doolar markaasay Maria ku tiri wiilkii brother keep the change, oo micnaheedu yahay walal qaado haraaga.!!
Maria oo aad ulasoo dhacday jawigii makhaaxida iyo bulshadii aadka uqurxooneyd ayaa kasoo baxday makhaaxidii waxayna soo qaadeen High way-ga weyn ee Florida. Socod iyo music dagan oo ka socday gaariga dhexdiisa ayay Maria kor utiri John ma adigaa leh Taxi-ga mise Company ayaad ugu shaqeysaa? John:- oo ka eegaya muraayada dhexe ee gaariga ayaa yiri Maria gaariga shirkad ayaa leh ee haddaan gaarigaan yeelan lahaa waxaan ahaan lahaa nin lacag ka sameeya America, sanadkastana waxaan dalxiis u'aadi lahaa Wadankayga Hooyo ee Mexico.! Maria ayaa cod macaan ku tiri John caawa haddaan kuu iibiyo gaari noocaad jeceshahay oo aad mulkiyadiisa yeelato ka waran!? John oo aad ula yaabay hadalka Maria una qaadan la'in ay dhici karto ayaa yiri:- waligay kuma hilmaameen waxaad rabtana waan kuu sameyn lahaa oo aad aniga iga codsato.!
Lasoco Qeybta 5Aad.
Share-ta, Comments-ka Like-ta, iyo Love-ka waa nafaqada kali ah ee sheekadu kusii socon karto ee fadlan Ha hilmaamin akhriste.
0 Comments