Gobolka Doollo
𝗚𝗢𝗕𝗢𝗟𝗞𝗔 𝗗𝗢𝗢𝗟𝗟𝗢:
Gobolka Doollo wuxuu kamid yahay 11 gobol uu ka kooban yahay dhul waynaha la isku dhaho Dawlad Deegaanka Soomaalida (Soomaali Galbeed). Waxaa horre loogu yiqiinnay gobolka Wardheer/Werder oo loogu magac daray magaalada ugu weyn ahna caasimadda gobolka ee magaalada Wardheer.
Gobolka waxaa koonfur galbeed ka xigga gobolka Qoraxeey (Korahe Zone), waqooyi galbeed-na waxa ka xigga gobolka Jarrar (Jarar Zone), waqooyi bari waxa ka xigga Somaliland, koonfur barina waxa ka xigga Puntland iyo Galmudug. Xudduud beeneedka oo ah ku-meel gaar ayaa qeexaya xadka koonfur-bari ee Soomaaliya uu la leeyahay gobolka.
Gobolka Doollo waa gobol ay ku duuggan tahay taariikh aad u fac wayn oo ku xusan suugaanta iyo taariikhda Soomaaliyeedba waxaana kasoo jeedda taariikh-yahannada iyo suugaan-yahannada Soomaalidu intooda u badan caan ka ah gayiga Soomaaliyeed uu kamid yahay AUN abwaan Dhoodaan, AUN Abwaan Cali Dhuux iyo rag kaloo badan.
Taariikhda gobolku uu leeyahay waxaa kamid ah tuulada Walwaal ee degmada Wardheer ayaa ahayd goobtii dagaalkii labbaad ee Talyaaniga iyo Itoobiya u dhexeeyay xabadii ugu horreysay ka dhacday sannadka markuu ahaa 1935-kii. Waxaa ku yaallo masaajidkii uu Talyaanigu dhisay 1936-kii oo sideetan iyo lix sanno jir ah.
Ceelka Camuud waa ceelkii ay ka billaabmatay silsiladdii gabayadii ee guba la magac baxday oo rag badan oo caan ah ay ku loollamayeen. Sidoo kale ceelasha ku yaalla guddaha magaalada Wardheer oo ah dhowr ceel ayaa ah kuwa silsiladdu inta badan ku xusan iyagoo kala ah:-
Ceelka Mataan (Wardheer)
Ceelka Camuud (Wardheer)
Ceelka Qarandi (Wardheer)
Ceelka Labiile (Wardheer)
Ceelka Jeerinleey (Wardheer)
Ceelka Sonkor (Wardheer)
Ceelka Jiiliye (Wardheer)
Ceelka Afwayne (Wardheer)
Balliga Gaafoow (Wardheer)
Balicad (Wardheer)
Gobolka Doollo waxaa ku yaalla harooyin (baliyo) iyo ceelal gayiga Soomaaliyeed caan ka ah oo taariikhda, hiddaha iyo suugaanta Soomaalidaba si wayn u galay, waxaana kamid ah:-
1- 𝐇𝐚𝐫𝐨 𝐃𝐨𝐨𝐥𝐥𝐨𝐨𝐝 (𝟕 𝐂𝐞𝐞𝐥)
Wardheer
Walwaal
Afyaraado
Waafdhuug
Uubataale
Yucub
Garloowgube
2- 𝐇𝐚𝐫𝐨 𝐗𝐚𝐠𝐚𝐫𝐫𝐚𝐲 (𝟕 𝐇𝐚𝐫𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧)
Caado
Siraw
Adin Libaax
Lug Biciid
Daratoole
Ilig
Warcas
3- 𝐇𝐚𝐫𝐚𝐬𝐚𝐧 (𝟕 𝐇𝐚𝐫𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧)
Bali Carabeey
Dundumo Cad
Ceelma Xidho
Dannood
Masaare
Samu
Xodayo
4- 𝐇𝐚𝐫𝐨 𝐅𝐚𝐚𝐟𝐚𝐧 𝐘𝐚𝐫 (𝟕 𝐇𝐚𝐫𝐨𝐨𝐝)
Qoriile
Cadaadley
Jinaabe
Dameeray
Babaase
Marsin
Gonbisay
5- 𝐇𝐚𝐫𝐨 𝐂𝐞𝐞𝐥𝐜𝐚𝐝 (𝟕 𝐂𝐞𝐞𝐥 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐜𝐚𝐛𝐛𝐨)
Gallaadi
Dhudub
Ceel Furdaan
Baxdo
Bixis
Yeeygalo
Dhurwaayaale
Gobolka ayaa kamid ah dhulka loo yaqaanno gayiga ciideed oo ah dhul ciid cas ah oo carasan ah oo ku caan ah geedka hareeriga iyo harayaal aan gurin. Midhaha kala duwan ee loo yaqaanno hohobta, dhafaruurta iyo yicibta ayaa ah deeqda Eebbe dhiggay gobolkan kuwaas oo loo iib geeyo meelo ka baxsan Dawlad Deegaanka Soomaalida.
Qayb kamid ah gobolka Doollo gaar ahaan Daratoole iyo Cagaarwayne ayaa ah goobihii uu ka dhacay dagaalkii afaraad ee Sayid Maxamed Cabdille Xassan iyo daraawiish ay ku jabiyeen Ingiriis. Deegaannada bariga Doollo sida Dannood iyo Bookh ayaa la bah-yihiin qaybtii uu ingiriisku u bixiyey Reserve Area ee ugu danbayntii Itoobiya lagu wareejiyey.
Gobolka Doollo wuxuu ku fadhiyaa baaxad dhan 47,088 km²(afartan iyo toddobo kun iyo sideetan sideed kiilo mitir labba jibaaran). Wuxuu gobolka Doollo ka wayn yahay isku darka gobollada Faafan iyo Daawa. Sidoo kale wadarta gobollada Nogob iyo Erer. Sidoo kale gobolku wuxuu ka wayn yahay 66 waddan oo caalamka kamid ah oo ay ku jiraan wadammada barwaaqo soorranka la dhaho ama loo yaqaanno sida:-
Netherland
Denmark
Switzerland
Gobolka Doollo ayaa ah gobolka koowaad ama labbaad ee Deegaanka Soomaalida ugu dhulka baaxada weyn isagoo xudduud la leh gobollada Togdheer, Sool, Nugaal, Mudug iyo Galgaduud. Wuxuuna ka kooban yahay toddobo degmo oo kala ah sidatan:-
Wardheer (Xaruunta)
Dannood
Bookh
Gallaadi
Daratoole
Lehelow (Lehel-Yucub)
Galxamur
Gobolka Doollo sannadkii 1994 ayay jabhadii TPLF ee loo yaqaannay wayaane guddaha magaalada Wardheer weerar kusoo qaaddeen iyagoo xasuuq u geystay in ka badan 80 qof oo shacab birmagayda ah waana meeshii ugu horreysay ay dhibbaato iyo dil intaa le'eg ka sameeyeen xilli ay taladda dalka la wareegeen. Dhaqaale ahaan dadka deggan gobolka waxay ku tiirsan yihiin xoollaha nool ee la dhaqdo.
Dadka ku nool gobolka Doollo waa dad geesiyaal ah oo aann marnaba gabban, udub-dhexaadna u ahaa halgamadii soo maray gobolkan (Somali State) kasoo billow halgankii Imaam Axmed Gurey illaa ONLF. Sidoo kale gobolku wuxuu kamid yahay meelihii dhibbaatooyin aad u badan loo gaystay, system-ka dawliga ahaana laga cunna qabateeyay ku dhawaad muddo soddon sanno ah.
Taariikhda iyo sheekooyinka gobolka Doollo mid aan qormo kaliya ku dhamaystiri karo ma'ahan (The list is endless)!!! Bal muwaaddin adna fikirkaaga ka dhiibo sidaad u aragto.
W/Q Hussein
0 Comments