google-site-verification=nHI_GkwrtkZU14NJemTmhP9W-ZHQd6tPAPcwYPkJMUQ Jacaylkii facebook Q\3aad

Latest Post

6/recent/ticker-posts

Jacaylkii facebook Q\3aad

                                                Qaybtii 3aad 

Maria markay aragtay falcelinta AJEX waxay go'aansatay inay baadi goobto siday uheli laheyd lamaane ku qanca nolosheeda. Hal qof oo sxb ay la tahay oo og sirteeda nolosha ma jiro waxaan ka aheyn Hooyadeed, Aabaheed iyo walaalkeed. Maria ma ay lahan wax saaxiib ah oo ay la wadaagto dhib iyo dheef toona. Waxay aad uga cabsataa haday yeelan laheyd sxb ay ku sir qarsato in ay baxdo sirta nolosheeda qarsoon maadaama ay curyaan tahay.

Maria waxay go'aan satay in ay ka baxdo wadanka Colombia una safarto wadanka America si ay usoo barato dad cusub iyadoo si toos ah isku muujinaysa ulana hadlaysa dadka reer America waana fursada kali ah ee ay ku baran karto qof ay la saaxiibto. Maria waxay online- ka dalbatay safaarada America ee ku taal wadanka Colombia si ay uhesho Visa dalxiis ah oo ay ku tagto America, maalmo kooban ka dib waxaa laga aqbalay codsigeedii Dal ku galka America maadaama ay maalqabeen tahay. Waxay ku wargalisay qoyskeeda in ay safar dalxiis ah ku tagayso Dalka America si ay maalmo ugusoo nasato. Ehelka Maria ayaa aad ugu farxay gabadhooda in ay soo dalxiisayso waana markii ugu horeysay ee ay ka baxdo dalka colombia waxay weydiiyeen in la raaco oo ay u baahan tahay in la caawiyo. Waxayse tiri maya cidna ima raacayso anaa isku filan waana laga ogolaaday.

Maria waxay netka ka booking gareysatay Hotel qaali ah oo xeebta saaran oo ay sanadkasta tagaan dalxiisayaal farabadan gobolkuna waa Florida. Waxay jaratay ticket go and back ah waxayna bage-keeda kusoo qortay bye bye Colombia Hello Florida iyo gobolkii dalxiiska. Halmar baa qoraal is qabsaday dadkii reer America iyagoo leh soo dhawoow boqorada quruxda iyo codka macaan leh "anigu waxaan joogaa gobol hebel isoo qabo anaa kusoo dalxiisinaya, midbaa leh gaari free ah baan kusiin intaad joogto kharashkaagana anaa qaba, mid kalaa leh aabahay baa hotel xeebta florida ku yaal iska leh ee kaalay free ku dag iyo qaar kaloo badan. Maxayse kuugu taal Maria fariimahaas kama jawaabayso sababtoo ah dadkaas oo dhan waxay u qabaan in ay u laafyooto sida Bisada ama Faraska oo kale ee war uma ay hayaan in ay kusocoto gaariga curyaamada oo casri ah. "Labo kala bariday kala warla."

AJEX baa arkay qoraalka Maria oo si tartiib ah usoo qoray. Maria waxaan ahay duuliyaha boeing 737-803 waa diyaarad 4 bari kasoo duusha Colombia caasimadeeda bogotà waxaan ku siin lahaa business class free ah, waxaana laguugu shaqeyn lahaa si heer sare ah waxaan kaloo kuu amri lahaa internet xoog badan si aad asxaabtaada live ugu soo gasho adigoo samada dhexdeeda heehaabaya ee kaalay oo kaalay soona dhawoow. Maria ishay ku dhufatay qoraalka Ajex dhagse jalaq uma aysan siin sababtoo ah waxay ka cabsatay hadduu arko iyadoo kursiga curyaamada ku fadhida in uusan ju' u oran waana macquul oo aadanaha ayaa u badan noocaas.!

Hadal badani haan ma buuxshee maalin sabti ah taariikhduna ku beegneyd 13-11-2015 saacaduna aheyd 5tii galabnimo ayay soo gashay Maria madaarka weyn ee Bogotà International Airport, nasiib xumo diyaaraday raaci laheyd baa ka hor kacday 30 daqiiqo ka hor. Qolyihii diyaarada ayaa ku wargaliyay saacad iyo bar ka dib in ay kacayso boeing 737-803 oo aheyd diyaaradii uu duuliyaha ka ahaa Mr AJEX.!  Aad ayay ugu faraxday in ay arki doonto AJEX oo ka mid ah asxaabteeda shakhsiga ay ugu jeceshahay sababna u ahaa hayi kaca safarkeeda hayaanka nolosha. Markii ay fariisatay kursiga number-kiisu yahay 309 ayaa waxaa diyaarada ka dhex kacday gabar aad u qurxoon oo ka mid ah shaqaalaha diyaarada oo tiri soo dhawaada, suumanka xirta, mobile lada iska damiya inta aan hawada ka galayno, waxaan sii socondoonaa masaafo dhan 6saac iyo 9daqiiqo. Kabtanka diyaaraduna waa AJEX oo ah duuliye xirfadiisu sareyso wuxuuna kiciyay oo fariisiyay safaro kor u dhaafay 1000 safar, waa lagu kalsoon yahay. Waad ku mahadsan tihiin inaad soo raacdaan boeing 737-803 Mahadsanidiin.


Lasoco Qeybta 4Aad.

Post a Comment

0 Comments