HIdaha iyo Dhaqanka
Hiddaha Iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.
Maxaa Wanaagsan , Maxaase Khaldan?!!
Waa Maxay Hiddo iyo Dhaqan.? . Hiddo iyo dhaqan waa hab nololeedka bulsho ,kaasi oo ay kasoo gaaraan dadkii ka horeeyey.
Noocyada Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.
Ciyaaraha Garsoorka. Farshaxanka&Labiska Martisoorka. Cuntada Guurka. Afka iyo Suugaanta. Magac bixinta Taariikkhda . . I .WM.
Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.
1-Dhaanto 2-Saylici 8-Batar 3-Welisiqo 9-Kabeebey 4-Jaandheer 10-Abaliish 5-Niiko 11-Saayle 6-Istun 12-Kabeebe 7-Shirib 13-Dabshid Iyo Qaar kale……
…. Farshaxanka ,Agabka iyo Labiska.
Farshaxan Taariikheed
Agabka Hiddaha iyo Dhaqanka.
Labbiska/Dharka Hiddaha& Dhaqanka.
1-Go’ iyo Shaal 2-Garrays ,Guntiino iyo garbasaar. 3-Dhacle iyo Boqor 4-Cunaabi 5-Dirac 6-Subaaciyad(Maro) 7-Qayd iyo Macawis 8-Kuul 8-Koofiyad .. I.W.M
Cuntada. Canjeero Hilib Cambuulo Sambuus Masago Galley(Garow) Soor Shaah Caddays Moos Sanbuus Canbuulo.
Guurka .
Noocyada Hore ee Guurka Soomaalida.
Geed-fadhiisi-Wiilka iyo reerkiisa ayaa usoo geed fadhiista reerka gabadha iyaga oo ka codsada ehelkeeda.
Heerin- Gabdhaha ayaa guur taga , iyaga oo deegaan kale u raadsada gayaankooda. Xigsiisan- Marka ninka xaaskiisu ka dhimato,ayaa gabadh walaasheed ah xigsiisan ahaan loo siin jiray,si ilmaha rajada ah aysan u dayacmin.
Dumaal :Marka xaaska seygeedu ka dhinto,ayaa walaalkiis loo guurin jiray, si ilmaha agoonta ah aysan u dayacmin .
Godob-reeb :Gabadho ay isa siiyaan laba qolo oo dagaal dhex maro ,si ay ugu noqdaan safiirro.
Xudun-xidh: Ilmo yaraan la isku siiyo kolka ay yaryaryihiin.
Geed fadhiisi. Maanta Muraadkayagu waa Heblaayo oo aad nagula xididaan?! Idin Siinnay idinkulana xididnay Heblaayo.
Maamuuska xilliga Guurka.
GABBAATI: Waa xoolo lagu baxsho madasha gabadha lagu bixinayo, baddanaa waxa uu ahaan jirey Faras ,shaabuug , kitaab quraan ah iyo waxyaabo kaloo qiimo badan. SOORYO:Waa xoolo hanti u badan ,khaasatan lacag , lana bixiyo xilliga meherka. Waxaa la siiyaa gabadha ehelkeeda , qaraabadeeda iyo asxaabta timaad.
YARAD : Yaradku waxa uu ahaa xoolaha labixinaayo marka inanta lala soo wareegayo , yaradku waxa inta badan inanta lagu jaangoyn jirey yaradkii hooyadeed laga bixiyey kaasoo inuu ka bato mooyee in uu kayaraado ay adkaan jirtey. Marmarka Qaar gabdhaha 100 halaad iyo baarqabkoodii ayaa laga bixin jiray.
MEHER: Waa xoolo gabadha loo ballanqaado xilliga guurka, waana mid ay gabadhu iska leedahay. :
DHIBAAD: waa xoolaha lasoo siiyo marka gabadhu reerkooda u tagto.
Kaalo: waa xoolaha reerka cusub loo sameynayo.
Garsoorka Garsoorka
Garsoorka Soomaaliyeed waxaa saldhig u ahaa
-Oday dhaqameedyada ,Garta waxaa lagu naqi jiray Geed-Hoostii.
Marti-soorka. Marti-soorku waa sumad dahabi ah oo uu leeyahay dhaqanka Soomaaliyeed. Maamuuska martidu waa mid dhaxal u ah bulshada Soomaaliyeed.
Dhaqanka Soomaaliyeed Maxaa Wanaagsan oo Dhiirigalin mudan.?
Dhaqanka iyo Caadooyinka Wanaagsan
. ● Is xiriiriska iyo is caawinta.
● Marti soorka
● Ixtiraamka dumarka iyo Ilaalinta sharaftooda.
● Biri ma geydo
● Sharaf Ilaalinta.
● Gobonnimo jacaylka.
● Wanqalka iyo Magac bixinta.
● Ixtiraamka waalidka iyo dadka waaweyn
. ● Garta - “Garta waa loo wada Islaan.”
Caadooyinka Khaldan/Isbeddelka u baahan.
➢ Dhaqammada ku dhisan Takoorka.
➢ Dhaqammada Qabyaaladda.
➢ Ka xirnaanta isbeddelka iyo kala duwanaansha.
➢ Xaddidnaanta Hal-abuurka.
➢ Dhaqanka Mahadcelin la’aanta iyo Raali gelinta.
➢ Talagelin la’aanta Haweenka
➢ Talagelin la’aanta Dhallinyarada. iwm.
➢ Dhaqammada ku dhisan Takoorka.
➔ Dhaqanka Soomaaliyeed waxaa ku badan Haybsooca.
➔ Dad badan ayaa la kulma faquuqyo kala duwan sababta ugu weynna ay tahay Dhaqan xun oo ay aaminsanyihiin bulshada ay la noolyihiin.
➔ Waa in laga guuraa qaybaha Dhaqanka Soomaaliyeed ee dhiirigalinaya wax kasta oo Haybsooc ama Faquuq ah.
➢ Ka xirnaanta isbedelka iyo kala duwanaansha.
➔ Dhaqanka Soomaaliyeed waxa uu u badanyahay mid ka arradan Isbeddelka iyo Kala duwanaanshaha.
➔ Si dhaqanka Soomaaliyeed uu hodan u noqdo waa in aan aqbalnaa kala duwanaanshaha nolosha ee dadkeenna iyo Hiddaha kala duwan ee Soomaaliyeed.
➔ Mar walba oo dhaqanku ballaarto lana aqbalo noocyada kala duwan ee bulshda waxaa bata Hodontinnimadda dhaqankaas.
➢ Xaddidnaanta Hal-abuurka. Waa in laga guuraa dhaqan walba oo xaddidaya Hal-abuurka noocyadiisa kala duwan sida mid Maaddi iyo mid fikir .
Gudniinka Gabdhaha :Gudniiinka Fircoonigu waa mid ka mid ah Caadooyinka xunxun ee u baahan in laga tirtiro dhaqanka Soomaaliyeed.
Gudniinka fircoonigu waa mid aafeeyey gabdhaha Soomaaliyeed, iyada oo sababta ugu wayn ay tahay in dadku u haystaan dhaqan ahaan. Gudniinka fircoonigu waa mid u baahan Dabar-jarid
➢ Dhaqanka Mahadcelin la’aanta iyo Raali gelinta. Dhaqankeenna Soomaaliyeed waa in aad loogu badiyaa Mahdcelinta iyo Raalligalinta. Raalligalintu ma ahan fuleynimo balse waa Ragannimo. ➢ Talogelin la’aanta Haweenka Iyo Dhallinyarada. Dhaqankeennu Waa in uu noqdaa mid aad tixgalin u siiya Talagelinta Haweenka iyo Dhallinyarada. Haweenku waa 50% bulshada, sidoo kale Dhallinyaradu waa Iniinta Isbeddelka. Labaddaas la’aantood , Talada waddankeenna iyo Bulshaddeenu Horumar gaari mayso.
0 Comments