Qaybtii 2aad
Maria Facebook-geeda caadiga ah uguma xirna Messenger sababtoo ah dadka ugu jira ayaa farabadan sidaas daraadeed fursad uma ay hesho in ay ka jawaabto fariimaha kala duwan ee uga imaanaya falcelinta waxyaabaha ay post gareyso. Balse waxay inta badan ka jawaabtaa bage-keeda oo aysan u badneyn halka ay "Like, iyo Wow" usaarto qofka ay ka hesho qoraalkiisa qeyb ka mid ahna Reply ayay u gashaa si ay ugu mahadceliso ama uga warbixiso badeecada ay soo dalbadaan macaamiisheeda.
Maria maadaama ay lacag badan heysato farxada ugu badana ay la qaadato Eygeeda MAX oo u tababaran sida aadanaha una qabta hawlo badan oo aysan iyadu qabsan karin, waxay aad uga walwashaa siday uheli laheyd lamaane nolosheeda iyo riyooyinkeeda u rumeeya. Waxaa niyadeeda aad ugu soo laab-laabata in aysan heli karin wiil dhalinyaro ah oo jeclaada kuna qanca maadaama ay curyaan tahay waana sababtay markasta u qariso jirkeeda bar.
Maalin maalmaha ka mid ah baa wiil dhalinyaro ah bage-keeda qeybta falcelinta ku daabacay qoraal uqornaa sidaan:- Maria runtii waxaad tahay gabar aad u wanaagsan una naxariisata dadka nolosha la daalaa dhacaya, aadbaad udabeecad fiican tahay, udagan tahay, una cod macaan tahay. Waxaan jeclaan lahaa inaan mar un arko adigoo sidaan kasii farxad badan oo haysta ilmo yar oo aad adigu dhashay, meesha Eygu kula cayaarayana ay ilmahaaga iyo aabahood kula cayaaraan. Waxaan kuu jeclaan laheyn sidaan hadda kuu jecel nahay si ka mug iyo miisaan weyn.
Maria waa macquul inaad heysato sxb nolosha kula wadaaga, waxaan si ixtiraam leh kaaga codsan lahaa inaad soo gabagabeyso sheekada oo aad u badasho mustaqbal mira dhal ah. Waa dhici kartaa inaad ka baqayso guurka oo aad is leedahay aad uga fiirso, balse xaqiiqadu waxay tahay guurku inuu farxad iyo reyn reyn yahay haka cabsan xitaa hadday jiraan 100 daruufood oo noloshaada ku gadaaman.! Guul iyo Guur baan kuu rajeyn.
Maria markay isha ku dhufatay qoraalka AJEX oo ay dhamaysatay way ilmeysay oo ilmeysay marna farxad iyo qosol gariir bay kaligeed dhafoorada qabsatay! iyadoo aad ula yaabtay qoraalka wiilka oo nolosheeda toos u taabtay ilaa intay is heyn weyday qoraalkii AJEX Love usaartay aan horey looga baran in ay macaamiisha love u saarto. Intaas kuma aysan joogsane Reply-ga ayay AJEX ugu qortay sidaan:- Brother Ajex runtii qoraalkaagu waa isoo jiitay wuxuuna ii muujiyay inaad ijeceshihiin haddaan xitaa guursado, waxaan islahaa noloshu waxay ku qurxoon tahay kalinimo! inaad kuwada joogtaan asxaabta, waxaase ii cadaatay in ay noloshu kusii qurxoon tahay lamaane is jecel, waan dadaalin oo si dhab ah u raadin ilmahayga mustaqbalka aabahood.
0 Comments