Waa kuma Soomaaligii Ka taliyay Jasiiradda Maldives?
Sheekh Siciid kii reer Muqdisho (The Sa’id of Mogadishu) oo diin fidin u tagay dhulka Hindiya, Shiinaha iyo guud ahaan bariga fog
WQ: Cabdiwahaab Axmed Cali, Qoraa
Magaalada Muqdisho waxa ay ahayd isha aqoonta, rugta wax soo saarka iyo rabta ilbaxnimada, sida ay ku sifeeyeen dhulmareennadii tegey qarniyadii dhexe.
Laga billaabo qarnigii labo iyo tobanaad illaa laga soo gaaro qarnigii 16-aad, waxa magaalada Muqdisho soo maamulay nidaamyo boqortooyo iyo saldannado kala dambeyay, kuwaas oo horumarro la taaban karo ka gaaray dhinacyada wax soo saarka, dhoofinta iyo aqoontaba.
Waxa ay ahayd rug diineed iyo xarun aqoonta Islaamka iyo culuumtiisa kala geddisan laga majeerto, sida uu Yaquutal Xamawi ku sheegayo buuggiisa Qaamuuska Magaalooyinka (Mu'jam ul-Buldān).
Markale dhulmareenkii reer Boortaqiis Duarte Barbosa oo Muqdisho tegey intii u dhexeysay sannadkii 1517-1518 waxaa uu ku dheeraaday ka sheekeynta ganacsiga reer Muqdisho iyo beec mushtarkoodii Xabagta, Fool-maroodiga iyo Dahabka ee iskaga kala gooshi jiray min Kilwa (Tanzania) Malindi (Kenya) illaa Sofala (Mozambique).
Wax soo saarkaas maaddiga ah marka laga tago, waxaa barbar socday in ay Muqdisho wakhtiyadaas ay soo saartay aqoonyahanno cilmiga diinta fidiya, kuwaas oo afarta berji gaarsiiyay.
Xiddigihii wakhtiyadaas Muqdisho ka soo ifay waxaa kamid ahaa Sheekh Siciid kii reer Muqdisho (The Sa’id of Mogadishu) oo diin fidin u tagay dhulka Hindiya, Shiinaha iyo guud ahaan bariga fog. Markalena noqday qofkii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo bartay luuqadda Mandarin ka Shiinaha, una rogay luuqad maxalli ah, wallow aanan nuqulladii qoraalladiisa aan la helin.
Ragga wakhtiyadaas Muqdisho ka kacaamay waxaa kale oo kamid ahaa qofka aan rabno in aan maqaalkan kaga sheekeyno, waa Sheekh Cabdicasiis Almuqdishaawi (The Abdul Aziz of Mogadishu).
Mar ku aaddan Dhammaadkii qarnigii 13-aad ayuu ku dhashay magaalada Muqdisho. Qoys diimeed sharaf iyo maamuus ku dhex leh bulshada ayuu kasoo jeeday nasabad ahaan.
Markii uu noqday gaban hannaqaad ah, durba qoyskiisa waxa ay ula holladeen dugsi Quraan iyo barashada diinta. Yaraanta ayaa uu ku xifdiyay gebi ahaan baallasha kitaabka.
Xernimo ayuu buraashadda u biyeystay oo in uu Axaaddiista iyo fiqqiga ka biya keeno ayuu goostay. Wixii uu rag u kaco rabbina uu aqbalo waa ay rumoobaane, durba waa uu ka jibba keenay, oo waa kaas soo baxay wadaad dhammeystiran oo Muqdisho iyo aaggeeda cilmiga deeqsiiyay.
‘Fidinta diinta’ xudduud iyo xeyn daab gaar ah malahan qaaciddo ah ayaa ay aaminsanaayeen culimadii iyo aqoonyahankii Soomaalida ee waayadaas hanaqaaday, oo waxa ay isku arkayeen in ay mas’uuliyad ka saaran tahay faafinta diinta iyo guud ahaan cilmiga.
Waa sababta culima badan oo Soomaali ah ay caan uga noqdeen fidinta diinta meelo ka baxsan dhulka Soomaalida. Dhowr qofood haddii aan carab dhowno waxaa ugu koofiyad dheer sheekh Cismaan Cali Muxjin Seylici oo kutub waa weyn uga tagay ummadda Muslimka.
Sidoo kale ardaygiisii Imaam Cabdillaahi Yuusuf Maxamed Seylici. Haka reebin Sheekh Abaadir Cumar Ariddaa oo ahaa aasaasihii magaalo cilmiyeedka Herar ee dalka Ethiopia. Sidaas oo kale culimadii xudduudda dhaafay waxaa qeyb ka ahaa Suufigii reer Baraawe Sheekh Cabdilcasiis Al Amawi iyo rag kale oo aan tiro lagu sheegin se taariikhdooda la iska hilmaamay.
Hayaankii Cilmi fidinta ee Sheekh Cabdilcasiis
Sheekh Cabdicasiis kii reer Muqdisho ayaa buraashadda u biyeystay in uu cilmigiisa dunida kale la wadaago, oo iska rido waajibka damiiriga ah ee ka saarnaa faafinta aqoonta.
Wixii uu duur jeexo, marna badaha jibaaxo, doonidii sidday Sheekh Cabdicasiis waxa ay baroosinnada dhigatay jasiiradda Maldives ee Koonfurta qaaradda Aasiya.
Si milgo iyo maamuus ku dheehan ayaa loo soo dhaweeyay. Dadka deegaanka iyo maamulkaba uma kala harin marxabbeyntiisa, maaddaama uu ahaa wadaad daaci ah oo dar alle iyo diin faafin u socday.
Maxaa sahlay In uu si fudud ula qabsado Sheekh Cabdicasiis dalka Maldives?
Su’aalaha durba maskaxdaada kusoo daaddagaya waxaa kow ka ah sidee bay isku fahmeen reer Maldives iyo sheekh Cabdilcasiis? Haddaba si aad u fahanto jawaabta su’aashaas aan dib u milicsanno xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeyay Soomaalida iyo reer Maldives.
Abu Barakaat Yuusuf Albarbari ayaa loo nisbeeyaa in uu diinta islaamka gaarsiiyay dhulka Maldives. Wadaadkan oo diin fidin u yimid nawaaxigan ayaa la kulmay dhaqamo iyo caadooyin maangad ah oo reer Maldives ay rumeysnaayeen.
Geed dheer iyo mid gaaban ayuu u koray sidii uu reer Maldives uga xorreyn lahaa khuraafaadka iyo kutiri-kuteynta ay aaminsanaayeen. Ugu dambeyn waa uu guuleystay oo Maldives waxa ay noqotay Jasiirad islaam oo muslimiinta lagu soo dhoweeyo.
Inkastoo Ibnu Batuuta uu buuggiisa ku weriyay in Abu Barakaat uu ahaa Amaaziiqi kasoo jeeda Wuqooyiga Morooko, haddana dhinaca kale waxaa jira culima badan oo ku doodaya in Abuu Barakaat uu kasoo jeeday magaalada Barbara sida magaciisa ka muuqata.
Maqaal uu ku daabacay degelka af Carabiga ee Aljazeera ayuu Cimraan Cabdullahi kusoo bandhigayaa doodda ah suurtagalnimada in uu Abuu Barakaat ahaa Sheekhii Soomaaliyeed ee Yuusuf Bin Axmed alkowneyn oo mararka qaarna loo nisbeyn jiray naaneysyada kala Sheekh Yuusuf Albarbari iyo Aw Barkhadle sida uu soo weriyay aqoonyahankii reer Taliyaani ee Enrico Cerulli.
Xiriirka ganacsi ee joogtada ahaa ee ka dhexeeyay reer Muqdisho iyo Maldives ayaa xoojinaya sheegashada dambe ee ah in Abuu Barakaat ahaa Soomaaliya.
Ibnu Batuuta qudhiisa, dhowr sadar ayuu kaga waramay saameynta Muqdisho ay ku lahayd Maldives. Tusaale mar uu ka hadlayay raadadka Soomaalida ee ay ku lahaayeen dhulkaas, wuxuu sheegay in xoolaha nool iyo fooxa ba reer Maldives looga soo dhoofin jiray dhanka Muqdisho.
Xitaa haddii uusan Abuu Barakat Soomaali ahayn, Maldives waxaa abuurnaa jawi cuddoon oo cid kasta oo daneyneysa Maldives gacmo furan loogu soo dhaweynayay.
Marka aan isku soo wada duubno, laba sabab oo muhiim ahayd ayaa u sahashay in ay Sheekh Cabdicasiis Almuqdishaawi iyo reer Maldives ay is fahmaan, waxaana ay kala yihiin:-
1. Islaamka oo ku cusbaa; xamaasad ba’an ayeey u qabeen reer Maldives soo dhaweynta dadka muslimiinta ee dhulkooda yimaada taas waxa ay ahayd sabab macquul ah oo fududeysay is fahamkooda.
2. Iyo saameynta ganacsi ee Soomaalida ee aaggaas. Mar haddii isu socod ganacsi oo labada dhinac uu jiray xamaasad iyo sas badan lagama qabin qofka ka imaanayay dhulka Soomaalida, maba ugu sii jirto haddii uu qofkaas dacwad iyo diin faafin u socday.
Marka laga soo tago in uu diin barayay, sidoo kale reer Maldives waxa ay uga baahdeen in uu ka caawiyo dhanka maamulka.
Xer ayaa loo ooday, oo cilmi faafinta ayuu halkeeda ka waday illaa markii dambe loo dalacsiiyay faqiha iyo qaadiga magaalada.


0 Comments