Waa duni maalin waliba wacdaraheeda la yaabka leh wadatee akhristahayga qiimaha badanoow, ku soo dhawoow qormo kale iyo maqaal cusub oo aan ku qaadaa dhigayno Application waayahan Soomaalida dhexdeeda aad ugu faafay, hadal hayntiisuna ay aad u badatay oo loo yaqaanno Sweatcoin.
1. Waa maxay SWEATCOIN ?
Sweatcoin waa Application ay aas-aaseen laba nin oo lagu kala magacaabo Oleg Fomenko iyo Anton Derlyatka una kala dhashay dalka Russia 🇷🇺 iyo England 🇬🇧 sannadku markuu ahaa horaantii 2016-ka, waana application ka mida kuwa caafimaadka qofka ka qayb qaata ee adduunka caanka ka ah isla markaana u tar-tamaya inuu helo macaamiil & isticmaalayaal badan.
Application-kani wuxuu dadka ka caawinayaa inay lacag ka sameeyaan socodka ay soconayaan walow lacagtaasi aysan ahayn mid real money ah oo ay tahay coins 🪙, 1000 tallaabo marka aad socotid ayuu wuxuu ku siinayaa Applicationkani 0.95 coins oo u dhiganta $0.0475 oo runtii ah lacag aad u yar, wuxuuna 1-ka coin ee aad Application-kan ka samaysid u dhigmayaa dollar ahaan $0.05 oo xataa aan dhamayn 10 cents.
Mulkiilayaasha shirkaddan iska leh Application-ka Sweatcoin ayaa u sheega macaamiishooda inay ujeedadoodu tahay; dad caafimaad qaba oo miisaankoodu macquul yahay socodkooduna badanyahay, waxayna sidoo kale sheegeen in Application-koodu uu ku xiranyahay satellite-ka oo ay fahmi karaan qofku inuu soconayo iyo in kale.
2. Faa'iido & khasaare ma leeyahay?
Sideedaba adduunka wax aan faa'iido iyo khasaare lahayni ma jiraan akhristahayga qiimaha badanoow, balse waxaa lagu qiimeeyaa wax walba faa'iidadooda iyo khasaarahooda kee baa badan !
Application-kani si walba oo aad u socotid wax lacag fiican ah oo aad ka faa'iidaysid ma jiraan, ciddii ku tiraahda socod baadna lacag kaga samaynaysaa waa cid been kuu sheegtay, balse halka mid ee Application-kan lacag fiican looga samayn karaa waa inaad ku casuuntid dad badan si ay iyakuna u booqdaan, markaas ayaad lacag fiican samayn kartaa.
Tusaale $1000 inaad samaysid waxay kaaga baahantahay ku dhawaad 2,000 oo qof inay linkigaaga click siiyaan oo ay gudaha u galaan Application-kan Sweatcoin, balse khasaaraha uu leeyahay ayaa waxay tahay No.1 inay adagtahay sidaad ku heshid mar walba dad soo booqda linkigaaga, haddii aadan ahayn qof influencer ah oo social media-ha shacab fiican ku haysta, iyo in Application-kani uusan ku siinayn lacag real money ah oo lacagtiisu ay tahay kaliya coins aad suuqyada Online-ka ah wax kaga iibsan kartid sida Amazon iwm.
Maamulayaasha Application-kan ayaa hore u sheegay inay rabaan inay Application-kooda ku daraan lacagaha loo yaqaanno Cryptocurrency walow aysan taasi waagaas suurto-galin, sidoo kale maalmahan ayay haddana soo shaaciyeen inay bisha September sannadkan 2022 ay ku biiri doonaan lacagahaas Cryptocurrency-ga ah walow aan iyadana la hubin.
Haddii ay sheegashadoodaasi rumowdo waxaa suurto-gal u noqon karta qofka coins badan ka haysta Application-kan inuu u baddasho lacagaha kale ee Cryptocurrency sida Bitcoin iwm, taasina waxay faa'iido wayn u noqonaysaa ciddii coins badan ka sii shaqaysatay Application-kan.
Sidoo kale waxaa jira aragtiyaha qaar oo sheegaya inaysan lacagtani ku biirayn lacagaha Cryptocurrency, balse ay ku raadinayso shacbiyad iyo taageerayaal badan oo ay ka hesho xog & macluumaad ay danaheeda u adeegsato.
3. Soomaalida & Buun-Buunintooda
Bulshadeenna Soomaaliyeed maalmahan dambe waxaan si xad-dhaaf ah u soo fahmaynaa aaladaha Internet-ka iyo badwayntooda, waana midda sababtay inay dad badanina kumanaan dollar ka shaqaytsaan suuqyada Internet-ka halka qaar kalena ay ku dhex dawakhaan kuna khasaaraan inbadan oo hantidooda ka mid ah xog la'aan iyo jahli hayay aawadeed.
Horta marka koowaad Application-kan Sweatcoin markaad galaysid wax lacag ah kaama rabo isagu, haddaba muxuu faa'iidayaa ayaad is waydiinaysaa ? Illayn dunida ma jiro shay si bilaash ah la isku siinayaaye...
Wuxuu kaa faa'iidayaa macluumaadkaaga & soo booqashadaada ayuu ka iibsanayaa shirkado waawayn si uu maal-galinno u helo, waa midda aysan bulshada Soomaaliyeed badankoodu faham buuxa aysan ka haysan.
Waxyaabaha Bulshada Soomaaliyeed ay runta moodeen ee beenta ah waxaa ka mid ah; in Application-kan socod lacag looga sameeyo, arintaasi waa been cad oo la doonayo in dadka laga gado si looga helo taageero iyo inay links-kooda raacaan.
Sida kaliya ee lacag fiican Application-kan lagu helaa waa inaad cid kale invite garaysid ama aad casuuntid, 30 qof marka aad casuuntid ugu yaraan oo ay linkigaaga furaan ayayna kuu furmaysaa qaybta ah inaad lacagta coins-ka ah aad isticmaali kartid ood si Online ah wax ugu iibsan kartid.
Waana sababta dad badan oo Soomaalida dhexdeeda caan ka ihi ay u buun-buuniyeen xogo been ah oo Application-kan ku saabsan, si dadka shacabka ah ay ugu kadsoomaan markay links-kooda booqdaanna ay iyaku lacag uga faa'iidan.
Haddaba bulshadayda Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyartayda waxaan kula talinayaa inay ogaadaan; inaan lacag si fudud lagu helin ee lacag in la sameeyaa ay u baahantahay xirfad iyo dadaal badan.
Waxaan sidoo kale dhalinyarada Soomaaliyeed uga digayaa tuugo badan oo Internet-ka wax ku dhacda intay macluumaad been ah siiyaan oo Soomaali & ajaanibba leh inay aad uga digtoodaan, oo cidda ay xogtooda & hantidooda ku aaminayaan ay noqoto cid ay ogyihiin waxay tahay si hantidoodana aan looga dhicin xogahooda gaarka ahna aan loo jabsan.
Ugu dambayntii akhristahayga qiimaha badanoow haddaad halkan ila soo gaartay aad baan kaaga mahadcelinayaa sida quruxda badan ee u akhrisatay maqaalkan aan bulshadayda wax ugu iftiiminayay, sidoo kalena waxaan rajaynayaa inaad wax uun ka faa'iidday idamka Alle insha'allah.
0 Comments