- jacaylkii facebook
Maria waa gabar aad u qurux badan ku dhalatay Bogotà oo ah caasimada wadanka Colombia waxbarashada heerka labaad ee Master ayay ka heysataa Colombia University takhasuskeedu waa Computer Science, aabaheed waa ganacsade ka ganacsada Macdanta Wadanka Colombia. Wuxuu dhalay Maria iyo Maaz. Maaz waa Xisaabiyaha Shirkada aabihiis wuxuuna si khaas ah u leeyahay Warshad sameysa Dharka casriga ah wuxuu kaloo leeyahay Shirkad soo saarta Aflaanta taxanaha ah. Waa maalqabeen caan ka ah Colombia.
Maria waa gabadha aadka u qurxoon aabaheed iyo walaalkeedna Maalqabeenada yihiin. Waxaa intaas u dheer waa Fanaanad aad u cod macaan kana dhex heesta Gurigeeda dhexdiisa waxay aalada Social Media-ha ku dhex leedahay YouTube, Facebook bage, Snapchat, Instagram, Tiktok, iyo Twitter ay kala socoto qoraalada dadka caanka ah.
Maria waa 26 jir isku kalsoon waji qurxoon oo farxadi ka buuxdo leh indhaha markaad saarto kama jeesan kartid waxay taqaan hidaha iyo dhaqanka wadankeeda waxay baraha bulshada ka caawisaa dadka baahan ee masaakiinta ah kuwa dhimirka la' oo qaba baahiyaha aadanaha ee muhiimka ah sida:- Curyaamada, Camoolayaasha, kuwa maskaxda ka xanuunsan ee dayacan, Agoonta, sababtuna waxay tahay Maria waa curyaan oo lugaha ayay la'dahay.
Maria waxay ku shaqeysaa guriga dhexdiisa waxayna adeegsataa Baraha Bulshada Bage-keeda iyo YouTube keeda oo ay ku xiran yihiin Malaayiin dad ah Online-kaas bay ku xayaysiisaa dharka shirkada walaalkeed lagu farsameeyo, Aflaanta soo socda hordhacooda, Badeecada Shirkada aabaheed waxay sameysaa lacag aan caqliga galeyn.
Maria mararka qaarna waxay codkeeda dahabiga ah ku maaweelisaa asxaabteeda iyada oo muujinaysa qaarkeeda kore oo aysan ishii aragtaa ka libiqsan karin. Waxay qarisaa qaarkeeda danbe oo ay curyaan ka tahay qofkasta oo aaladeeda Social Media-ha ku xiran wuxuu ku hamiyaa mar un in uu arko Maria oo laafyooneysa mase dhicin sababa jira oo aysan cidkasta ogeyn.!!
Lasoco Qeybta 2Aad.
0 Comments