google-site-verification=nHI_GkwrtkZU14NJemTmhP9W-ZHQd6tPAPcwYPkJMUQ AStaamaha qofka hanka sare leh

Latest Post

6/recent/ticker-posts

AStaamaha qofka hanka sare leh


             AStaamaha qofka hanka sare leh
 

maxaa loola jeedaa hansare?

-hansare waxay ka dhigantahy in qofku yareysto caqabad kasta oo ka hortimaada inta uu hiigsanayo yoolka uu rabo inuu gaaro.

-Han sare waa shayga kugu xanbaaraya in aad u istaagto oo aa ka miro dhaliso yoolka aad hiigsanayso.

wuxuu yiri cumar bin khaddaab:-hankaaga ha yareyn, waayo maan arag qofka wax curyaamiyah oo ka daran han yarida( hankiisa oo hoos u dhaca).

soomaaalidu waxay ku maahmaahdaa" lax waliba shilalkay isdhigtaa lagu qalaa". taas macneheedu waxaa weeye, hadba adigu meeshaa isdhigto ayaa ahaan, haddii aad hansare yeelato, meel weyn ayaad gaareysaa haddii hankaagu hoos u dhacana waligaa liidnimada kama baxaysid.

haddaba, han sare wuxuu lamid yahay himma saraysa.

Han hooseeyaha wuxuu lamid yahay, himmad hooseeyaha, himmaduna waxay lamid tahay, shayga qofku ku hamiyo oo uu niyaysto oo ku fikaro inuu sameeyo kana sal gaaro.

            Hanka sare halkee ayuu kasoo burqadaa?

Han ka sare ( himmida sare) booskeedu iyo halka ay degan tahay waa qalbiga,xubnaha kalena waxa ay fuliyaan wixii himada ah oo qalbigaa kasoo  fula, qofkuna himadiisa wuxuu ku gaaraa oo ku helaa darajo uusan ficilkiisa ku gaarin.

Bal xadiiskan dhuux:-

(Qofkii alle waydiista shahaado si dhab ahna u weydiista, alle waa gaarsiiyaa qofkaas darajada shuhadada, waloow gogashiisaba haku naf baxee)

Bal xadiiskana aan dhuuxno, si ay inoo ku caddaato qiimaha ay leedahay inuu qofku han sare yeesho.

((alle wuxuu qoray xasanaadka iyo xumaanta, kadibna waa cadeeyay, qofkii ku hamiya khayr inuu sameeyo, goortaasna aan samayn, Alle wuxuu u qoraa xasano dhamays tiran))

labadaan  xadiis waxaynu ka faa'iidaysanaynaa arimahan soo socda:-

-Qof walba  hammigiisa meeshu dhigo weeye, qofkii hansare leh, hankiisaasi wuxuu gaarsiiyaa,  shay uu ficilkiisu gaarsiin karin.

-Qofka hankiisu sareeyo alle wuxuu ka dalbadaa wax weyn, allena wuu siiyaa qofkaas wuxuu ka dalbaday niyadiisa ayuuna ku siiyaa.

Post a Comment

0 Comments