Geedka Gudda ah ( Yicibta)
Geedka gudda ahi, waa geed aan la beerin, sida canjeelka oo kale, waa alle-abuur, wuxuuna ka baxaa dhulka carro-sanka ah ee bannaan, gaar ahaan dhulka ciidka ah ee u dhexeeya(DDS iyo dhulka soomaliyeed, siiba Gobolada mudug iyo Gobolka Galgaduud, oo labaduba ku teedsan dhulka carro caska ah.
Geedka gudda ahi waxa, wuxuu u kala baxaa labo geed, oo kala ah.:
- Geedka muqlayda la yiraahdo, oo dherar ahaan le'eg geedka Qansaxa ah.
- Geedka suulayda la yiraahdo , oo isna kasii gaaban muqlayda.
Geedkani, waa geed abaareed aysan caleentu ka dhicin xilliga jiilaalkii, wuxuuna saaraaa geedku ubax carfoon, kadibna waxaa kasoo dhex-baxa muddo todobo cisho ah dabadeed miro yar-yar oo ( Gobor ama Ciji), la yiraahdo, todobaadka xigana, Goborkii, wuxuu noqdaa ( Qardax) ama gahayr, kadibna waxay noqdaan ( jalaw) ama bisayl, waana la guraa xilligaas.
hadaba, miraha labada geed ,waxa ay noqdaan, sida tan:
- Geedka muqlaydu mirihiisu, waxa ay le'eg yihiin miraha geedka jeerinka la yiraahdo, oo mirihiisa loo yaqaan ( Quule), waana labo qalbac.
- Geedka suulayda ahi mirihiisu, waxay le'eg yihiin xubinta hore ee suul-gacmeedka ayuu le'eg yahay (qardaxiisu).
sanadka guddu aaranto waxaa loogu yeeraa;( Caadood), kolka jalawga lagurayo, waa ; la qolof jebiyaa, waxaana lagu magacaabaa ( Buurin).
geedka gudda ah, curdin iyo qardax labadaba, waa lagu bilaabaa cunidiisa, qardaxa la keydinayo waa la rarmiyaa amaba la dubaa, ka dibna, inta la cusbeeyo,ayaa xashin lagu shubaa
maahmaahda gudda, waxaa kamid ah;
- "fadhi iyo fuud yicibeed la isku waa!".
0 Comments