Muxuu garsoorahan u isticmaalay Kaarka Cad ciyaartii Burtaqiiska?

Kaarka Cad

XIGASHADA SAWIRKA,CANAL11

Hadii aad daawato kubbada cagta marar badan ayaad aragtay in garsooruhu uu taago kaarka jaalaha ah ama casaanka, balse waa maxay kaarka cad?

Sabtidii, intii ay socotay ciyaartii u dhaxeystay kooxaha kubadda cagta haweenka ee Lisbon iyo Benfica ee dalka Burtaqiiska waxaa dhacday dhacdo muhim ah oo taariikhda kubadda cagta ah, garsooraha ayaa markii ugu horreysay ciyaartan isticmaalay kaarka cad.

Kaararka jaalaha iyo casaanka, ayaa ah kuwa tilmaamaya khaladaadka iyo jebinta xeerarka ciyaarta , kaarka cad wuxuu uu sidoo kale leeyahay macno kale.

Kaarkan cad waxaa loo isticmaalaa marka uu ciyaaryahanka la yimaado ficil bogaadin mudan islamarkana lagu dhiirigaliyo hab-dhaqanka wanaagsan ee ciyaartooyda. Laakiin kaarkan ayaa ilaa hadda waxaa kali ah oo lagu isticmaalay ciyaaraha dalka Portugal

Kaarka Jaalaha

XIGASHADA SAWIRKA,

Maxay tahay sababta kaarka Cad loo isticmaalay dalka Burtaqiiska?   Burtaqiiska ayaa soo jeediyay kaarka cad inuu yahay mid ka mid ah hal-abuurka dalka si kor loogu qaado loona dhiirigeliyo "qiyamka anshaxa iyo sharafta ciyaaraha".

Tallaabadan waxaa qaaday xiriirka kubadda cagta ee dalka Burtaqiiska.

Si ka duwan kaararka jaalaha iyo casaanka, kaarka cusub looma isticmaalo in lagu ciqaabo loogana digo ciyaartoyda dhaqankooda iyo ficiladooda khaldan.

Catarina Campos, oo ah garsooraha ciyaartii koobka haweenka ee ciyaartii dhexmartay Sporting Lisbon iyo Benfica ee ka dhacday Lisbon, ayaa markii ugu horeysay isticmaashay kaarka cad.

Kaarka ayuu garsooraha bixiyay ka dib markii qof uu xanuunsaday intii ay ciyaartu socotay, islamarkana shaqaalaha caafimaadka ay si degdeg ah ugu soo gurmadeen.

Tallaabadan samafalka waxay la kulantay falcelin togan iyo sacab ka yimid dadkii ciyaarta daawanayay ee ku sugnaa garoonka Studio da Luz .

Kaarka jaalaha iyo casaanka ayaa la isticmaalay 50 sano ka hor koobkii aduunka ee sanaddii 1970-kii, taasoo yareysay qaladaadkii badnaa ee ciyaaraha.

Ciyaartan ayaa ahayd mid 5 iyo 1 ku dhamaatay



Ma laga yaabaa inuu soo bato isticmaalka kaarka cad?

Dalka kali ah ee ilaa iyo imika laga isticmaalay kaarkan Cad waa dalka Burtaqiiska ee ay ciyaarta ka socotay.

Maadaama kaarka cad hal waddan oo kaliya lagu isticmaalay, waxaa laga yaabaa inaan aragno dalal kale oo raacay waddada Burtaqiiska mustaqbalka iyo qaabka ay daawadayaasha ciyaaraha uga fal-celin doonaan.