google-site-verification=nHI_GkwrtkZU14NJemTmhP9W-ZHQd6tPAPcwYPkJMUQ Barashada dhirta dalkeena Hooyo

Latest Post

6/recent/ticker-posts

Barashada dhirta dalkeena Hooyo

  1.  Barashada dhirta

Geedka gaxandho/gocandho loo yaqaan

Geedka gaxandhada ah waxaa laga heli jiray aduunka oo dhan, inta aan ka ahayn khaaradda, America. iyadana waxaa lasheegaa inuu geedku u gaaray, si aan ula kac ahayn.

Gaxandhada waxaa magaceeda loo soo gaabiyaa"TT". waxaana si weyn loogu yeeraa"puncture vine",sababtoo ah wuxuu leeyahay qodax yar oo buruq leh, oo fiiqan;oo si sahala uga gudubta dusha sare ee maqaarka qofka. inkasta oo aysan dhaawac weyn geysan, maadaama ay gaaban tahay, hadana wey xanuun kulushahay.

America wuxuu ugu jiraa  liiska dhirta aadka u faafa ee soo galootigga ah. haddana walaac badan lagama qabo faa'iidadiisa darteed.

faa'iidada geedkan 

waxaa lasheegayaa in geedkan dhawrkii sano ee lasoo dhaafay lagu waday baaritaan;lana ogaaday inuu yahay daawo.

sida la sheegay , china ha iyo india iyagu waqti hore ayey dadkoodu daawo dhaqameed ahaan u isticmaali jireen. waxaana lagu daweyn jiray xanuuno ay kamid yihiin:

  • cudurrada wadnaha
  • xididdada dhiiga
  • cudurka sonkorowga
  • ka hortaga caabuqa jirka iyo cuduro kale oo badan.

Dhibaatada Geedka 

Weli majirto baritaano la isla ogol yahay oo la ansixiyey. waxaana muran ka taagan yahay xajmiga badqabka ah ee laga qaadanayo. sidaas darteed, waxaa looga digayaa dumarka uurka leh, iyo kuwa nuujinayaa inay ka fogaadaan.  



Post a Comment

0 Comments