google-site-verification=nHI_GkwrtkZU14NJemTmhP9W-ZHQd6tPAPcwYPkJMUQ waxyaalaha u horseeday inuu ardaygu ku guuleysto imtixaanka

Latest Post

6/recent/ticker-posts

waxyaalaha u horseeday inuu ardaygu ku guuleysto imtixaanka

 

7 Arrimood Oo Ardayga U Horseeda Inuu Imtixaanka Ku Guulaysto

wacyiGalin

akhtiyo kala duwan Ayaa Ardaygu sannadkii imtixaan u fadhiistaa, Isku buuq iyo Culeys uu werwer u weheliyo Ayaa la soo dersa tiro badan oo Ardeyda ka mid ah wakhtiga Imtixaanka. Khidaddu waa in si sahal ah oo Deganaani ku Jirto loo wajaho weydiimaha. Naxdinta iyo Fikirka xun ee aad imtixaanka ka qabtaa keliya waxa ay sii bilaabeysaa in aad dhacdo kuna guuldareysato. Qoddobadani Ayaa ah kuwo Ardeyda Caawin doona Wakhtiga Imtixaanka...............

1. -Ardeygu waa in uu Toddobaadka Imtixaanaadka ku Wajahaa Fikir Dhinaca Wanaagsan ah oo uu Rajeynaayo in uu ku Guuleysan doono, Ma Jirto si iyo Hab uu Ardeygu kaga baxsan karo Imtixaanada Wakhtiga sannadaha kala duwan ee Dugsiga aan aheyn in uu u Fadhiisto, Haddii aad wax badan oo Cabsi ah iyo Adeyg ah oo Imtixaanka la xidhiidha aad Maskaxdaada u sheegto waxa ay ku horseedi karaan Fashil iyo Dhicid ama Dhibco Yaraan,Ogowna in Ardeygu yahay Ka keliya ee isagu is dhiirigelin kara,Naftiisana Runta u sheegi kara.

2. Ardeygu waa in uu Sameystaa Jadwal Wax Akhris oo u gaar ah,Guud ahaan Sannad dugsiyeedka iyo gaar ahaan Wakhtiga Imtixaanada lagu Jiro, Hirgelinta ku Shaqeynta Jadwal wax Akhris iyo Diyaarin Ayaa ah mida Guushu ku Jirto,Wakhti hore oo la kaco si Wax loo Akhriyo, in la Qorsheysto Sida maanta iyo Caawa wax loo Akhriyaayo laguna Dhego ayaa in badan Ardeyda ka caawisa Imtixaanada.

3.-Ardeygu waa in uu Ka Fekiraa Halka iyo Meesha uu Wax ku Diyaariyo,Isbeddel aad ku sameyso Halka aad wax ku Akhridaa waxa ay keentaa Firfircooni Dheeraad ah, Haddii aad Jeceshahay Kelinimada in aad wax ku Diyaariso Naftaada baro, Haddii aad Jeceshahay in aad Dadka wax la Akhridana baro, isku Day in aad bedesho marar badan meesha iyo sida wax loo Akhriyo,Waxaana la Ogaadey in meesha aad wax ku Diyaarineysaa ka Qeyb-qaadato in aad wax buuran ka soo hoyso Imtixaanka. Guryaha, Rugta Kutubta ee Jaamacada (Library), Masaajidada, Dhismayaal kale sida Xafiisaadka ayey dadku ku soo Eegaan Mawduucyada Imtixaanku Khuseeyo.  Haddi Deegaanka iyo meesha aad wax ku Akhrido ama Joogtaa ku Niyad -Jebiyaan,wey Adkaan doontaa in aad si Mug leh u Fahanto Waxa buugga ku yaala.

4.-Ardeygu waa in uu Helaa Wakhtiga uu ku Jiro Imtixaanada Nasasho ku Filan iyo Hurdo Dhameystiran.Saacaddaha Siddeeda ah ee La Seexdo oo Dhan in uu Ardeygu Hurdo Helo Ayuu u baahan yahay.Jidhka oo la nasiyo iyo Maskaxduba waxa ay u sahlaan Ardeyda in ay si fiican u xafidaan una Qaban karaan Macluumaadyo kala duwan si fudud.

5. -Ardeygu Waa in uu iska Dhawraa Ayaamaha Imtixaanada Cunnida Cuntooyin aan Caafimaadkiisa u Wanaagsaneyn, Cibbitaanka Biyo badan, Cunto u badan Khudaarta iyo Dalaga Beeraha ka soo go, ay Ayaa waxtar u leh, Xannunada Caloosha iyo Cuntooyinka Fudud ee Maqaaxiyaha ama Waddooyinka lagu Dhinac sameeyo Ayaa keena marar in Sixada Ardeydu ku Xumaato isla Markaasina ay ku seegaan Imtixaano.

6. Ardeygu Waa in uu Helaa Tilmaamo u sahlaaya Sida ugu Fuddud ee uu Imtixaanka u wajahaayo,Tallada Macallinka iyo Guud ahaan sida Imtixaanadii hore loo soo Marey ayaa u ah Dhaxal iyo Dhiirigelin uu kaga hortago Su,aallaha Cusub ee loo Diyaarin doono, Muraajicada iyo Dib ugu Noqoshada ama Tilmaamida meelaha Muhiimka ahi waxa ay Ardeyga u tahay Dejin iyo Helid Qeyb ka mid ah Kalsoonida Imtixaanka.Waxaadse Ogaataa in Muraa,jicadu aanney aheyn Mid markasta la helo ama loo baahan yahay.

7. -Ardeygu Waa in uu Nasiyaa Maskaxda isla markaasina uu Wakhti Tamashle helaa Marka uu Ka soo baxo Imtixaan iyo Saacaddo wax akhris oo badan,In aad baxdo isla markaasina Hawo cusub Qaadato,B eeraha Nasashada iyo Goobaha lagu caweeyo aad tagto Ayaa Jidhka iyo Maskaxdaba u Diyaarisa in aad Imtixaanada kale ku guuleysato. Wehel iyo Rafiiq kula Qaata wakhtigan Ayaa ah mid loo baahan yahay, waxase inta badan lagu dedaala in Sheekada iyo Wada hadalka aan lagu soo Darin arrimo Imtixaanada Khuseeya oo ay tahay in iyagana laga nasto.

Post a Comment

0 Comments