Geedka timirta
guud ahaan geyiga soomaaliyeed, geed miroodyada ka baxaa wey farao badan yihiin, tirana laguma soo koobi karo, waxaanse ka soo qaadaneynaa, saddex kamid ah, waana kuwan magacyadoodu hoos ku xusan yihiin;
- Geedka timirta
- geedka canjeelka
- Geedka gudda ah ( yicibta)
hadaba geedka timirta ahi, asal ahaan magaciisu, waa; ( Nakhiil) oo eray carbeed ah, macnihiisuna yahay geed ( Talaal), waxaa raggii odayaasha soomaalida ahaa ee la ganacsan jiray dadyawga carbeed ka keeneen jirridiisa Bari-carab, waxayna ku talaaleen gobolka bari degmooyinka ugu dhawdhaw degmada Bosaso, gaar ahaan degmooyinka; Saymo, Galgala, Karin, Xaabbo, Geesalay iyo Murcanyo, siiba deegaanka galgala, waxaa kabaxa timir aad u badan oo aad tayo fiican.
Geedkani, waxaa lagu talaalaa god dhulka looga qoday, waana la waraabiyaa labada gelin subax iyo galaba, wuxuuna ku mireeyaa (3-5)sano, oo ku xiran hadba biyaha lagu waraabiyo.
Geedkani, wuxuu cimri ahaan jiri karaa ( 3-4) fac, oo facii u dhigmo 70 sano, oo macneheedu noqonayo( 3*70)=210 sano, ama ( 4*70)=280 sano.
Geedkani, wuxuu ka bixi karaa dhulka bannaan, buuraha oogadooda ( calaha) iyo dhulka bio-mareenka ah, waana labo-geed oo kala ah lab iyo dhedig, labaduna wey ubxiyaan geedka labi ubixiisu wuxuu noqdaa Budo, dadka beertaana laanta geedka lab bey inta soo gooyaan ku shabiyaan ama ku dhufdhuftaan geedka dhedig, si ay labada ubax la isu ursiiyo, oo miro-dhal fiican geedka looga helo.
Geddkani marka hore, saddex bilood ubax buu saaraa, saddex-na miro Gumuc layiraahdo baa kasoo baxa, saddexna, mirihiisu waxay isu bedelaan Busur ( midabka jaallaha ah), kadibna wey dhugcaan ama bisayl ebyan bey noqdaan.
Geedkan laanta mireysa waxaa la yiraahdaa ( far), faraha mireeya ee geedkana , waxaa laysu yiraahdaa( khayl)
Geedkan, mirihiisu waxay soo go'aan xilliga xaggaagii, maalin dhaaf baana loo guraa sida caadiga ah, heesaha loo qaado, waxaa kamid ah;
- xaggaa seexdaa
- ma xorooboo
- xariir ma huwado.
Murtida geedka timira ah
- Timir laf baa ku jirta!
- Timirtii horeba dab loo waa!
0 Comments