Geedka canjeelka.
Guud ahaan, canjeelku wuxuu kamid yahay, geedaha aadka u waaweyn, u miro badan, una harqabaw, wuxuuna ka baxaa toggaga iyo aroorada gobolka bari iyo gobolka sanaag.
Geedkani, wuxuu mireeyaa sanadkii hal-mar, xiliyada roobabka gu'ga iyo dayrtu aarmaan, wuxuuna bixiyaa ubax -udgoon oo shinidu malabka ugu macaan kasameyso.
labo billod kadib, ubaxa waxaa kasoo dhex baxa, miro yar-yar oo ( Gumuc) ah, marka ay gahayraan mirahaasi, labo bilood kadib, waxay isu-bedelaan ( Qardhe). qardhaha, waxaa ku dhex jirta laf la yiraahdo ( qurxub), oo duunyada calaf weyn u noqota, siiba Ariga, oo hadduu irmaan yahay ku darara, shimbirihu, wey u kal tiriyaan, marka ay dulsaar yihiina wey ku codeeyaan, sida dadka oo kale.
Heerarka miraha canjeelku maraan
0 Comments