Barashadda Dhirta Dalkeena Hooyo iyo Geedka Dhafaruurta loo yaqaan.
Name: Grewia Tenax
Family: Malvaceae
Genes: Grewia
“Dhafaruur dhunkaal lagu qasiyo, Dhayga badhidiisa;
Dhiqle mayna reebteen waxbaba, yey dhurwaa diline;
Dhiidhiitiida kama liidateen, laygu dhacayaaye;
Ma dad dhoohan baa nahay, maxaan taa la dhugan weynay?”
~ Abwaan Cabdulaahi Macalin (Dhoodan)(AUN)
Geedkan Dhafaruurtu Wuxuu ka tirsan yahay qoyska dhirta loo yaqaan Malvaceae, oo uu kaga sii baxo bahda Grewia. Wuxuu kasoo jeedaa asal ahaan khaaradda Afrika. Waxaa kaloo laga helaa meelo kale oo ay ka mid yihiin gacanka cadmeed, iran, Bakistan, iyo Hindiya.
Qaamuuska af soomaali wuxuu ku qeexay sidan:
dhafaruur m.i Geed gaab laamo dhuudhuuban oo miro hurdi ah macaan oo la cuno leh.
Geedkan koonfurta soomaaliya meelaha qaar waxaa looga yaqaan muryo waa geed aad u macaan sida malabka , waxyaalaha uu leeyahay waxaa kamid ah, qofka qofka saxarada ayaa ku dhegta, waxaa laga sameynkaraa daawo shubanka lagu joojin karo, geedkan wuxuu u baahan yahay baaritaan dheer in lagu sameeyo,
waxaa kaloo laga sameyn karaa cabitaan aad u macaan badan. Dhakhaatiirtu waxay sheegaan in laga helo feero ama bir wuxuu daawo u yahay dhiigyarida.
waxaa kaloo ay sheegeen dhakhaatiirta caleenta geedkan inay daawo tahay bakteeriyada iwm.
https://en.m.wikipedia.org/wiki/Grewia_tenax#:~:text=Grewia%20tenax%2C%20called%20the%20phalsa,plant%20in%20the%20family%20Malvaceae.
Geedkan Dhafaruurta ayaa la sheegayaa inuu yahay daawo. Dhirta qaarkood ayaa dhaqan ahaan daawo looga isticmaalaa wadamo badan oo aduunka ah, Waxaana lagu daaweeyaa cuduro kala duwan.
Wadamaddaas qaarkood na waxay xooga saareen siddii ay ku ogaan lahaayeen xajmigga macdanaha ama maadooyinka iyo walxaha kale ee ku jira, ugana faa’iidaysan lahaayeen.
https://www.researchgate.net/figure/Grewia-tenax-shrub-growing-at-an-elevation-of-1-850-m-asl-at-the-upper-edge-of-Wadi_fig2_225758540
Geedkan waxaa lagu qiimeeyay cabbiro kala duwan. Sidda, wadarta guud ee phenolic (TPC), wadarta guud ee flavonoid-ka (TFC), iyo wadarta awoodda antioxidant (TAC); iyadoo la adeegsanayo tijaabooyin casri ah.
Waxaa la sheegayaa in Dhafaruurtu ay hodan ku tahay maadadda ama walaxda loo yaqaan “Flavonoid” oo ah walax laga helo qudaarta guud ahaan (fruits & vegetables), miraha, quwaaxa, jiridda, ubaxa, iyo iniinyaha. Waxaana la sheegayaa inay tahay maado lagama maarmaan u ah caafimaadka guud ee biniaadamka.
https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC5465813/#:~:text=Flavonoids%2C%20a%20group%20of%20natural,the%20ingredients%20so%20called%20flavonoids.
Waxay kaloo Dhafaruurtu qani ku tahay maadooyin kale oo ay ka mid yihiin: alkaloids, terpenoids, tannins, iyo saponins; oo dhamaantood la sheegayo inay yihiin maadooyin muhiim ah.
https://abstraxtech.com/pages/what-are-terpenes?gclid=CjwKCAjwpqCZBhAbEiwAa7pXeRsJ9iX3LbMn8FELuruTsCqNVDJ4JFz-m_kk7JtYMapfVRLcCFc8QBoCErwQAvD_BwE
Dhanka Somaliya, dhafaruurta waxaa daaqa xoolaha. Miraheeda waa la cunaa. Cabitaan ahaana waa u samaysan jireen Somaliddii hore, oo Habayn kii ayaa la radin jiray, Markii la doonana maro inta lagu kala biiro la cabi jiray.
“Markan kuma dhamayn karo,
Wixii meel ka baxay kayne;
Midka yar iyo geedkoodda weyn,
Maanka ka ogaada;
Muraad nin u leh mooyee,
Ayaan la iska male-goynin;
Maamuus u yeeloo,
Kurtiin magan-dhaqaaleeya.”
~Abwaan Axmed-Nuur Gamaje
Fikradda qoraaga:
Dhafaruurtu waxay ku jirtaa dhirta dhaawaca weyni uu kasoo gaaray in lagu dhisto guryaha 1991 kii iyo wixii ka danbeeyey, wuxuuna qoonsaday laamihiisa dhaadheer ee qurxoon iyo isaga oo aan qodax lahayn. Dhirta kale ee aadka ugu riiqmay arintaas waxaa ka mid ah Sagaaro-saloosha.
Tuducyadda Gabayga hore ee Abwaan Dhoodaan & Gabayga danbe ee Abwaan Gamuje baa hadal ku dhan yahay.
0 Comments